Video: Xaalada masjidka Al-Aqsa oo kasii dartay + Falastiinyiin la dilay iyo boqolaal dhaawac ah

Qudus (Caasimada Online) – Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, boqolaal kalena waa la dhaawacay ayada oo dibadbaxyo xooggan ay dhacayaan, kuwaas oo lagaga soo horjeedo xanibaadda Yahuuda ay kusoo rogeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Dhacdadii kowaad ayaa Yahuuddu waxa ay 18 jir Falastiin ah ku toogteen xaafadda Ras al-Amud ee bariga magaalada Qudus, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Qofkii labaad oo Falastiini ah ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay rasaas ay ciidamada Yahuuda ku fureen dibadbaxyada oo billowday kadib salaaddii Jimcaha.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qof saddexaad lagu dilay isku dhac ay ciidamada Yahuuda ku lug lahaayeen oo ka dhacay Daanta Galbeed.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ku furaya dibadbaxayaasha oo kasoo horjeeda amarka Yahuuda ay ku sheegeen in dadka ka yar da’da 50 jirka aysan geli karin gudaha masjidka barakeysan.

Ugu yaraan 140 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen isku dhacyada maanta ka dhacay Bariga magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed.

Ugu yaraan saddex kun oo ciidamo Yahuud ah ayaa lagu daadgureeyey agagaarka masjidka barakeysan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israel.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com