Video: Xaaladda gabdhihii Somalida ee Syria u jihaad tegay & fariinta Aabahod

Caasimada Online:  Aabaha dhalay labo gabdhood oo ka tegay magaalada Oslo si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta dalka Siiriya ayaa sheegay in gabdhihiisa ay galeen gudaha dalka Siiriya, isagoo tilmaamay in gabdhahiisa lagu tashkiiliyay Norway.

Maxamuud Cabdullaahi oo ah aabaha labadan gabdhood oo lagu kala magacaabo Ramla oo 16 jir ah iyo Ugbad oo 19 jir ayaa sheegay in marna uusan dalka Norway dib ugu laaban doonin ilaa uu ka helo labadiisa gabdhood, waayo buu yiri gabdhaheyga waa jeclahay

Wareysi uu siiyay BBC ayaa wuxuu kaga waramay fariin ay gabadhiisa weyn u reebtay ka hor inta aysan bixin, fariintaasi oo ay ugu waramayeen go’aankooda, taasoo u qorneyd sidan e nala daawo muuqaalka…

HALKAAN KA DAAWO: