Villa Somalia oo aad uga carreysan booqashadii Kenyatta ee Dhoobley (Tallaabo la qaadi doono)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga carreysan booqasho aan lagu war-gelin oo madaxweynaha Kenya uu shalay ku tagey degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay ilo-diblomaasiyeed u sheegeen Caasimada Online.

Socdaalkii shalay uu Kenyatta ku tagey Dhoobley ayuu ku booqday ciidamada Kenyan-ka ah ee halkaas jooga, hase yeeshee kuma soo war-gelin, lamana socodsiin madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo carro xooggan ka dhex abuurtay Villa Somalia, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay tallaabada Kenyatta u aragtay “xadgudub ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya” oo uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Kenya.

Diblomaasiyiin codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay ka fakareyso tallaabada ay qaadi lahayd, si ay uga jawaabto xadgudubka uu ku kacay Uhuru Kenyatta.

Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in gefka diblomaasiyeed ee Kenyatta uu halis geliyey socdaal la qorsheeyey in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu toddobaadka soo socdo ku tago dalka Kenya, kaasi oo iminka ay macquul tahay in laga laabto.

Tallaabada Kenyatta ayaa sii xumeyn doonta xiriirka marka horeba aan cagaha adag ku taagneyn ee dowladda cusub ee Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, ee caadada ka dhigtay faro-gelinta joogtada ah ee arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com