26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Villa Somalia oo dooneysa Wadatashi – Maya wadahadal

Bookmark
Bookmarked

Share

Soomaaliya waxay gashay marxalad siyaasadeed oo aad u khatar badan. Waxa hadda taagan ma aha khilaaf siyaasadeed oo caadi ah, balse waa dagaal siyaasadeed oo horseedi kara kala-qeybsanaan cusub iyo burbur hay’adaha dowladda. Villa Somalia ayaa si hal dhinac ah u la wareegtay saddex tiir oo hore loogu dhisay heshiis jilicsan: dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee 2012 ayaa dib loo qoray iyadoo aan heshiis laga gaarin; hanaankii doorashooyinka ayaa isagana si hal dhinac ah loo beddelay; guud ahaan dhismihii dowladnimada oo muddo sannado ah dadaal badan lagu soo abaabulay ayaa haatan wajahaya xaalad aan la saadaalin karin.

Arrimahaani ma aha kuwo fudud oo lagu xallin karo wada-hadallo saaxiibtinimo, balse waxay u baahan yihiin wadahadal daacadnimo ku dhisan iyo gorgortan dhab ah—laguna soo celiyaa halka uu nidaamku markii hore ka leexday. Taas beddelkeeda, Villa Somalia waxay qaadatay waddo ka duwan, waxayna tallaabadeeda u bixisay “Shirka Wadatashiga Qaran.” Magacaasi wuxuu u muuqdaa mid soo jiidasho leh, laakiin wuxuu su’aal muhiim ah ka dhalinayaa: yaa lala tashanayaa—maxaase laga tashanayaa?

Wadatashi vs Wadahadal

Wadatashigu dabiici ahaan waa wada-sheekaysi ay yeeshaan dad horeyba isku ra’yi u ahaa. Waa goobo xiran oo xulafadu ku kulanto si ay qorshayaashooda horay loo dejiyay u sii faahfaahiyaan una xoojiyaan. Loomana oggola qof ka hor yimaada qaab-dhismeedka horey loo ansixiyay. Marka la eego xaaladda Soomaaliya, wadatashigu wuxuu u ekaaday in madaxweynuhu la tashado la-taliyeyaashiisa ku dhow, si ay qorshe horay u dejisan u sii qurxiyaan oo keliya.

Dhanka kale, wadahadalku waa hab lagu xalliyo khilaafka runta ah. Waa geeddi-socod loo wada dhan yahay oo dhinacyada iska soo horjeeda ay ku kulmaan, cabashadooda ay soo bandhigtaan, isla markaana tanaasul lagu gaaraa. Natiijada ka dhalata ma aha hal-ku-dhigyo madhan, balse waa heshiis qaran oo ku yimaada tanaasul wadajir ah iyo aragti la isku raacsan yahay. Halka wadatashigu uu sii adkeeyo qorshe gaar loo leeyahay, wadahadalku wuxuu abuuraa sharciyad qaran.

Sababta uu “Shirka Wadatashiga” u gudbi waayay imtixaanka

Inkasta magaca “Wadatashiga Qaran” uu leeyahay, hannaankii Khamiistii lagu soo xiray Villa Somalia wuxuu ahaa mid aan haba yaraatee u ekayn wada-hadal dhab ah oo qaran. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa laga reebay ama la hareer mariyay. Dowlad-goboleedyada muhiimka ah sida Puntland iyo Jubaland ayaa miiska ka kacay. Codadka bulshada rayidka ah, haddii xitaa goobta joogeen, waxay ahaayeen kuwo muuqaal ahaan keliya loogu yeeray. Waxa meesha ka soo baxay ma ahayn geeddi-socod dib-u-heshiisiin qaran, balse wuxuu ahaa madal la soo agaasimay si ay u soo celiso aragtida xarunta Villa Somalia.

Villa Somalia waxay hannaankan dhinaca keliya ah siisay magaca “Wadatashiga Qaran,” waxayna sidaas ku caddeysay ujeeddadeeda dhabta ah: in aysan wadahadlin balse ay qorshe iska soo saartay ansixiso; inaysan ka wada xaajoon balse ay rabto inay xoog ku meel mariso; inaysan dhegaysan balse loo sacabiyo.

Muhiimadda qaran: Wadahadal dhab ah

Waxa Soomaaliya si degdeg ah ugu baahan tahay ma aha bandhigyo hore loo soo abaabulay, balse waa wadaxaajood dhab ah. Taas waxay ka dhigan tahay in albaabada loo furo dhammaan saamileyda siyaasadeed—iyada oo aan shuruudo lagu xirin. Waxaa muhiim ah in la aqoonsado sharciyadda aragtiyada kala duwan ee Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah. Waxay kaloo muhiim tahay in dib loogu noqdo doodaha culus ee ku saabsan isbeddelka dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka.

Ka qeybgalka wadahadalka dhab ah looma fasiran karo in mucaaradka loo tanaasulay. Tanaasul ma aha—waa mas’uuliyad qaran. Marka dowlad iyo mucaarad ay isku mari waayaan xaalad halis ah, miiska wadahadalku ma aha meel kulmis oo keliya, balse waa badbaado. Wadatashigu, si kasta oo loo soo qurxiyo, marnaba ma beddeli karo wadahadal dhab ah.

Waqtigu wuu socdaa

Haddii Villa Somalia ay ku adkeysato inay sii waddo wadatashi loogu talagalay taageerayaasheeda oo keliya, waxay dalka gelin kartaa marxalad kale oo kala-qeybsanaan ah. Balse weli waxaa jira fursad. Madaxtooyadu waxay isticmaali kartaa muddada uga hartay xilkeeda inay ka guurto muuqaal-sameyn, oo ay u wareegto nuxurka arrinta. Wadahadal dhab ah wuxuu ka dhigan yahay in la ballaariyo goobta, ilaa cod kasta oo tabanaya wax laga dhegaysto. Markaas oo keliya ayaa laga fogaan karaa halista ba’an ee Soomaaliya ku soo fool leh.

“Wadahadalku abaal ma aha, waa waajib hoggaamineed. Geesinnimadu ma aha oo keliya inaad istaagto oo aad hadasho; waa inaad fadhisato oo dhegaysato,” – Winston Churchill.

Taariikhdu waxay xusuusan doontaa cidda dhegaysatay.

Waxaa English ku qoray: Dr. Liban Cigaal, waxaa tarjumay bahda Caasimada Online. 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

- Advertisement -

Read more

Local News