Villa Somalia oo jawaab kulul bixisay – “Tareenkii weli waa la rarayaa ma dhaqaaqin”

Muqdisho |(Caasimada Online) – Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Cali Kaar oo u warramay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa ka hadlay qorshaha dowlada cusub, dhismaha xukuumadda iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Kaar oo wareysigan intiisa badan uga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa sheegay in qorshaha shaqo abuurka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh la gaarsiin doono dalka oo dhan, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiri doono nin jecleyso ama kala doorasho.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweynaha cusub, isaga oo meesha ka saaray eedeymaha culus ee loo jeediyey ee ku aadan magacaabida xilalka sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii xubnaha la magacaabay ay kasoo muuqdeen saaxibadii ku dhowaa Madaxweynaha.

“Tareenkii muu dhaqaaqin wuu taagan yahay weli waa la rarayaa,” ayuu yiri afhayeenka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay dhiman tahay dhismaha xukuumadda oo ay ugu horreyso magacaabista ra’iisul wasaaraha, halkaasi oo uu tilmaamay inay ka jirto fursad muhiim ah.

“Ra’iisul wasaarihii weli lama magacaabin, xukuumaddii lama dhisin intaas marka ay dhacdo fursado badan ayaa abuurmi doono,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu afhayeenku beeniyey in dowladda cusub ay ku howlan tahay in ay howl-galiso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu markale yiri Mudane Cabdikariin Cali Kaar afhayeenka Villa Somalia.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo la filayo in isbeddalo ballaaran uu sameeyo Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo saameyn doono madax kala duwan iyo shaqsiyaadkii ku dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka.