Xog: Isbadalka xilalka ee Xasan Sheekh uu wado oo qeyb ka ah taliyeyaal ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Isniintii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka la wareegay waxaa si dardar leh u socday magacaabida xilalka madaxtooyada Villa Somalia ee agaasinka iyo la-taliyeyaasha kala duwan ee madaxweynaha.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in isbadalka cusub uu saameyn doono taliyeyaal ciidan oo kooxda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh u aragto inaysan la jaan qaadi karin isbadalka iyo siyaasadda cusub ee dalka ka hirgashay.

Taliyeyaasha xilalka weyn doona ee isbadalka cusub loo arko ineysan shaqo ku laheyn lana jaan qaadi karin ayaa waxaa ugu cad cad booliska, milateriga iyo asluubta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hiigsigiisa koowaad xoogga saaraya amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa la filayaa inuu isbadal weyn ku sameyn doono taliska ciidamada booliska, kan gobolka Banaadir iyo qeybaha kale ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa ka go’an inuu tallaabo u qaado la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo shantii sano ee lasoo dhaafay wax horumar ah dowladdii hore ka sameyn dhinaca xoreynta gobolada dalka oo Al-Shabaab ay kala goysay in la isku socdo gobolada dalka qaar, sida Muqdisho iyo Baydhabo, Muqdisho iyo Afgooye oo dadku diyaarad u isticmaala sidii ay deegaanadaasi ku gaari lahaayeen.

Inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh horay u damaanad qaaday ineysan sameyn doonin maamulkiisa wax aargoosi ah iyo beegsi, hase ahaatee magacaabida xilalka cusub ayaa u muuqda kuwa aargoosi dadban, maadaama xubnihii horey ugu fadhiyay xilalka xukunkii Farmaajo ayaan isweydiin la gelin karin inay tahay wax iska cad iyo in boosaskii ay ku fadhiyeen lagu abaal marinaayo xubnihii lasoo halgamay kooxda Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu xasuustaa hal heyskii caan baxay ee “Maandhoow Farxaanoow Dhiiqaa lugaha laguu geliyoobaa ee iska jir” hal heyskaasi oo noqday mid caan baxay oo bulshada Soomaaliyeed hal qabsi ka dhigtaan, xigmadaasi oo Xasan Sheekh uu kula hadlayay Farxaan Qaroole inaan loo adeegsan beegsiga madaxdii hore iyo cid kastoo ka fikrad duwaneyd xukunkii madaxweyne Farmaajo.