Villa Somalia oo ka hadashay war ay faafisay Itoobiya kadib wafdigii yimid Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu taageero u muujiyey howlgalka ciidamada dowladda federaalka Ethiopia ay ka wadaan gobolka Tigray-ga.

Madaxweynaha ayaa shalay xarunta madaxtooyada kula kulmay la-taliyaha amniga qaranka Ethiopia Gedu Andargachew, kaasi oo qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia lagu sheegay inuu warbixin ka siiyey howlgalka.

Sidoo kale, safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Farmaajo uu taageero iyo garab istaag u muujiyey howlgalka ka socda gobolka Tigray.

Caasimada Online oo la hadashay saraakiil sare oo ka tirsan Villa Somalia ayaa waxay u xaqiijiyeen inay sax tahay in madaxweynaha uu taageeray howlgalkaas, kadib markii sida ay sheegeen dowladda Ethiopia ay ka codsatay.

“Ethiopia ayada ayaa wax la weydiisan jiray, taageero ama wax kaleba, in maanta Ethiopia ay taageero weydiisaneyso Soomaaliya, waxay muujineysaa kobaca siyaasadda arrimaha dibedda dalkeena iyo xulufaysiga Geeska Afrika,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online.

Tani waxay imaneysa ayada oo wasiirkii arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xilka laga qaaday 19-kii bishan maalin kadib qoraal lagu daabacay cinwaanka wasaaradda ee twitter-ka, kaasi oo lagu teegeeray dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Qoraalkaas ayaa saacado kadib laga saaray bogga, waxaana xigay qoraal uu bartiisa shaqsiga soo dhigay Cawad, oo uu ku sheegay in qoraalka hore uu ahaa mid aan sax ahayn.

Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa aad isugu dhowaa tan iyo markii uu Abiy xilka qabtay bishii April ee 2018, waxaana labada dal iyo Eritrea ay sameysteen isbaheysi saddex geesood ah, inkasta oo aan xog badan laga hayn ujeedkiisa dhabta ah.