Cabdullaahi Sheekh Xasan oo weerar xun ku qaaday Xasan Cali Kheyre + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa weerar culus ku qaaday Xasan Cali Kheyre, xili uu dhawaan wajahayey culeyso kaga imaanaya siyaasiyiinta mucaaridka ee ku shireysa magaalada Muqdisho.

Siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre ku eedeyay in uu mudadii uu joogay xafiiska ugu sareeya dalka uu wax badan haleeyay, isla markaana aan laga aqbali karin inuu hadda iska fogeeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Kheyre uu shacabka magaalada Muqdisho u horseeday “inay meydkooda garabka ku qaatan”, maadama uu sheegay in kaalin weyn uu ka qaatay xirista wadooyinka caasimada, isagoona carabka ku adkeeyay in xiligii uu xilka hayey uu ku tagri falay.

“Kheyrow saddexda sano iyo barkii aad ra’iisal wasaaraha aheyd dadka Muqdisho meydka garabka ayey ku qaadanayeen waaxad nooga tagtay wadooyin xiran, waxaad nooga tagtay ciidan awood u leh cidii dowlada ka fikir duwan inay guryaha uga dhacaan oo aad adigu bartay sidaas,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh.

Sidoo kale waxa uu arrin lala yaabo ku tilmaamay in Kheyre oo hadda ah musharax madaxweyne, uusan marnaba ka garaabin dhibtii iyo culeysyadii ay dowladd u horseeday bulshada Muqdisho, tan iyo intii uu hayey xilka.

Ugu dambeyntiina waxa uu Xasan Cali Kheyre usoo jeediyay inuu raali-gelin iyo cudur daar ka bixiyo falalkii foosha xumaa ee dhacay intii uu hayay xilka ra’iisal wasaaraha, oo uu qaab deg-deg ah uga qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu dhawaan Kheyre ka bixiyey raali-gelin weerarkii 17-kii December 2017 ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isla markaana raali-gelin buuxda ka siiyey arrintaasi hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Si kastaba, Kheyre ayaa u muuqda mid wajahay cadaadisyo hor leh, oo ku aadan inuu qiraal ka sameeyo waxyaabihii dhacay intii uu hayey xilka ra’iisal wasaare oo looga tuuray khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex-galay madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka daawo Cabdullaahi Sheekh Xasan