Xog: Qoor Qoor oo aqbalay dalabkii musharaxiinta balse ku xiray hal shardi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa kulan uu habeen hore la qaatay qaar ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ku ballan qaaday fulinta qodob ay cabasho ka qabeen oo ku aadan guddiyada doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor Qoor ayaa musharaxiinta ka aqbalay inuu badalo guddiga doorashada xubnaha ku jira qaarkood, balse waxa uu sharuud kaga dhigay in marka hore ay beddalaan maamullada kale ee dalka.

“Waa naga aqbalay inuu beddalo dadka qaar ee guddiga ku jira balse waxa uu diiday inuu bilaabo isagoo naga codsaday in marka aan ka keeno maamulada kale,” ayuu yiri mid kamid ah musharaxiintii la kulmay Madaxweyne Qoor Qoor, oo la hadlay Caasimada Online.

Kulankaan ayaa daba socday kulan kale oo laba habeen ka hor ka dhacay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana la aaminsan yahay in Qoor Qoor dhab ka aheyn balanqaadkii uu xalay sameeyay.

Shuruuddan ayaa xubnaha qaar ay ku macneeyeen mid adag, oo Qoor Qoor uga gol leeyahay inuu isaga aamuso, oo aysan daacad ka ahayn.

Qoor Qoor ayaa markii la doortay, inkasta la xajinayey Villa Somalia, la rumeysnaa inuu mararka qaar yeelan doono dhiiranaan uu kaligiis go’aan ku qaato, hase yeeshee taas waxay noqotay mid lagu hungoobay.