Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in gudaha Madaxtooyada uu ka socdo kulan u dhexeeya Mas’uuliyiin heer wasiiro ah iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, kuwaasi oo xal u raadinaayo Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo R/W C/weli.
Warar hordhac ah oo aan halkaasi ka heleyno, ayaa sheegaya in kulankaasi uu yahay mid looga arrinsanaayo xal ka gaarista mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh.
Wasiirada iyo Xildhibaanada oo iyagu is xilqaamay islamarkaana aan qeyb ka aheyn Mooshinada ayaa waxa ay dadaal ku bixinayaan sidii leysugu soo dhaweyn lahaa Xassan iyo C/weli.
Mid kamid ah Mas’uuliyiintaasi oo inoo waramaayay ayaa sheegay in Ujeedkooda uu yahay in Khilaafka baahay lasoo afjaro, waxa uuna Tilmaamay inaysan qeyb ka aheyn dhinacyada la daal dhacaaya Mooshinada.
Mas’uulkaasi ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay inay xal hordhac ah ka gaari doonaan Khilaafka, waxa uuna Xildhibaanada qaar ugu baaqay inay dhowraan Ammaanada ay u hayaan Qaranka kana fogaadan u kala hiilinta Madaxda Qaranka.
Dhanka kale, Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in kulankooda kadib, ay la kulmi doonaan Madaxweyne Xassan oo dalka dib ugu soo laabtay iyo R/W C/weli si ay uga dhaadhiciyaan qaabka ugu sahlan ee lagu xalin karo Khilaafka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

