Villa Somalia oo laga billaabay diiwaan galinta hantida qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maamulkii hore uu bilaabay diiwaangalinta Hantida Qaranka ee ku jirta gacanta Maamulka.

Hantida la diiwaangalinaayo ayaa waxaa kamid ah Gaadiidka Dowlada, Guryaha ay leedahay Dowlada, Hubka ku jira Bakhaarada Dowlada, Akoonada Dowlada iyo Hanti kale oo muhiim ah.

Diiwaangalinta Hantida Qaranka ayaa waxaa ku howlan Guddi uu Madaxweynihii hore ee Somalia uu sameeyay bilowga Asbuucaani, iyadoo Hantidaasi lagu wareejin doono Dowlada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa berri lagu wareejin doonaa Madaxtooyada Somalia iyo dhammaan Hantida Qaranka oo nidaamsan.

Dowlada cusub ayaa ka feejignaan doonta inay la wareegto Hanti qabyo ah, iyadoo ay suuragal tahay in Hantida lagu wareejin doono aysan dhameystirnaan doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com