Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsanaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Aadan Cali Xadaana ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay ka xun tahay rabshadihii dhacay, isaga oo xusay in dowladda ay hore u oggolaatay in mucaaradku qabtaan dibadbaxyo nabadeed oo lagu asteeyay goobo cayiman, si loo ilaaliyo amniga shacabka iyo ka-qaybgalayaasha isu-soo-baxyada.
Afhayeenka ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay ka baxeen qorshihii lagu heshiiyay, isla markaana ay goobaha dibadbaxyada la yimaadeen hub culus, arrintaas oo uu sheegay inay sababtay faragelinta hay’adaha amniga.
Sidoo kale wuxuu difaacay tallaabada ay qaadday dowladda, isaga oo sheegay in lagu dhaqmay xeerka xakamaynta hubka ee ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirradu. Sida uu sheegay, dowladda waxaa waajib ku ahaa inay ka hortagto hub lagu dhex wato magaalada Muqdisho.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u fasaxday inay dibadbaxyo ku qabtaan goobo loo cayimay, balse arrintaas waxay u rogeen in hub waaweyn loola soo baxo. Dowladdu gacmaha kama laabanayso arrintaas, waxaana la dhaqangelinayay xeerka xakamaynta hubka oo ay xukuumaddu ansixisay,” ayuu yiri Xadaana oo wareysi siiyay BBC-da.
Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa si cad u diidday eedeymaha uga yimid mucaaradka, kuwaas oo dowladda ku eedeeyay inay mas’uul ka ahayd iska horimaadyadii dhacay. Dowladda ayaa ku adkaysatay in tallaabooyinkii la qaaday ay ahaayeen kuwo lagu sugayay amniga caasimadda.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay toddobaadkan soo bandhigeen hub ay sheegeen inay ku qabteen howl-gallo hub uruurin ah oo laga fuliyay degmooyinka Cabdicasiis iyo Howl-wadaag, kuwaas oo ka mid ahaa goobihii ay ka dhaceen iska hor-imaadyada u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

