Villa Somalia oo mushaarka ka dhintay ciidanka Koofiya Casta ah ee ilaaliya (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa min boqol dollar ka jartay mushaarka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Qaranka, kuwaas oo sidoo kale isbadal weyn lagu sameeyay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ciidankaan oo markii hore ka lacag badnaa ciidanka kale ee Qaranka maadaama yihiin ciidanka ilaalada madaxda Qaranka ayaa laga goostay min 100$, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan.

Jarista lacagta ciidanka ayaa ka bilaabatay bishaan waxaana dhamaantood loo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la siinin doonin. Sidoo kale Villa Somalia ayaa badashay ciidankii Koofiya Casta waxaana lagu badalay ciidamo u badan reer Gedo iyo Koonfur Galbeed.

Lama oga sababta ka dambeysa, hase yeeshee waxay noqotay hadal heynta ugu weyn ee ciidanka dhaxdiisa waxaana qalbiyada ciidanka laga dareemayaa niyad jab iyo dhibaato soo foodsaartay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay halis gelisay ciidanka ka soo jeeda gobolada Banaadir iyo Shabeelada Dhexe islamarkaana ay u dirtay goobo dagaal oo ay ka jirto dayacaad weyn.

Ciidamada cusub ee ilaalada Villa Somalia ayaa badankood kasoo jeeda beesha madaxweynaha, halka kuwa la beddelay ay ku beel yihiin madaxweynayaashii hore, waxaana mid ka mid ah sababaha lagu sheegay in baqdin ay soo foodsaartay madaxweyne Farmaajo, maadaama uu dalku ka galayo marxalad doorasho, oo haddii la qaban waayo uu iman karaan kadcoon isaga ka dhan ah.

Wali ma jirto wax war ah oo ka baxay mas’uuliyiinta ciidanka oo ku saabsan isbadalka ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo sababta loo jartay lacagtii ciidanka ee Koofiya casta ee Villa Somalia.