Shirka beelaha Garxajis iyo Habar-jeclo oo maanta ka furmay magaalada Burco

Burco (Caasimada Online) ― Maanta waxa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka furmay Shir beeleed Miisaan leh oo u dhaxeeya labo beelood oo dega Galbeedka iyo Bariga Burco.

Shirkan oo lagu sheegay mid lagaga wada-tashanayo Mustaqbalka labada Beel ee dhanka Siyaasada iyo Horumarinta deegaanada ay wada degaan labadooduba, iyagoona isku laab xaadhan doona.

Shirkan oo muddo laga soo shaqeynayay ayaa maanta si rasmiya uga furmay magaalada Burco, waxaana la filayaa in war-murtiyeed is-faham laga soo saaro shirkaasi ay wada leeyihiin Beesha Habar-jeclo iyo Garxajis.

Inkasta oo uu Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali uu dhawaan u sheegay Warbaahinta in shirkani ka madax-banaan yahay gebi ahaanba Siyaasada, ayaa haddana waxa naloo xaqiijiyey in ay qeyb ka tahay wada-tashiga labada beel.

Waxaana todobadkii u dambeeyay magaalada Burco ku sii qul-qulayey Madax-dhaqameed iyo dad badan oo haldoorka Bulshada kamid ah oo kasoo jeeda labadaasi Beel, si ay uga qeyb galaan shirkan maanta furmay.