Villa Somalia oo shaacisay natiijada safarkii Xasan Sheekh ee Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku gaaray dalka Isug Tegga Imaaraadka Carabta, kaas oo uu soo gabagabeeyay xalay oo uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Villada ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu kasoo qayb-galay shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo lagu qabtay Abu Dubai, kaas oo ay Soomaaliya qayb ka ahayd, madaxweynahana uu ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

Sidoo kale Viila Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale  inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-nino.

Waxaa kale oo oo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu, sida ay qoraalkeeda ku sheegtay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan la filayaa inuu sii amba qaado howlaha shaqo ee horyaallo, waxaana ugu muhiimsan arrinta wax ka beddalka dastuurka oo uu hadda si weyn ugu howlan yahay, waxaana la filayaa in arrintaan uu go’aan ka gaaro baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Xasan Sheekh uu sii dardargeliyo wajiga labaad ee dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaano horleh.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya wuxuuna madaxweynuhu ku tegay dhowr safar oo kala duwan, kadib dib u doorashadiisii 15-kii bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-kii.