Villa Somalia oo shaacisay waqtiga uu furmayo shirka DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga uu furmayo shirka Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in shirka Maamulada dalka iyo Dowladda Dhexe uu Maalinta Khamiista ah ee taariikhda tahay 10 Bisha September ka furmi doono Madaxtooyada.

Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in shirkaas lagu dhameystiri doono hanaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3 ay asal u noqon doonaan shirka dhawaan u furmayo Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku fahmeyn in shir kale loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan qaabka ay noqoneyso doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Hadalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa kusoo aadayo xilli madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay shir ku yeelan rabaan Magaalada Baydhabo halkaas oo ay kaga tashan doonaan shirka Muqdisho ka furmayo, waxaana hadda Baydhabo ku wada sugan Lafta Gareen iyo Maxamed Cabdi Waare iyadoo la filayo inuu ku biiro Axmed Qoor Qoor.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Agaasime Cabdinuur.