Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashada qof iyo codka ah ee ay waddo dowladda Soomaaliya.
Xafladdan oo u muuqatay mid dhoolatus ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay qabaneyso qof iyo cod.
“Doorasho dadban waan diidnay, waxaana rabnaa doorasho qof iyo cod ah, waxaana uga mahadcelineynaa hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh” ayuu yiri Wasiirku.
Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo iyaguna taageero wayn u muujiyay dadaallada socda ee ku aadan doorashooyinka dalka.
“Fikirka ah in dalkaan laga qabto doorasho dadkuna soo doortaan hoggaankooda waxaa ay ka timid Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.” ayay tiri Xildhibaan Aamino Xuseen Cali.
Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu casuumay madashay, kuwaas oo sheegay inay soo dhaweynayaan doorashada qof iyo codka ah.
“Hadii aan nahay dhallinyarada Koonfur Galbeed waxaan taageersanahay inay wadanka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri Nuur Aadan Cabdiladiif oo kamid ah hoggaanka dhalinyarada Digil iyo Mirifle.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli weli uu muran xooggan ka taagan yahay qorsaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qof iyo cod, waxaana diidan Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo bannaanka ka jooga sida ay wax ku wado dowladda dhexe.