Villa Somalia oo walaac ka qabta dhaq dhaqaaqyada uu wado Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed oo xoog leh, kuwaas oo ay wadaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkii la soo dhaafay sameeyay saddex kulan oo mihiim ah, kuwaas oo qal qal geliyay saraakiil ka tirsan Villa Somalia, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay su’aalo iska weydiiyeen waxa ka dhalan kara kulamada Sheekh Shariif la qaatay madaxweynaha dalka Jabtuuti, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo kulankii shalay ee wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sheekh shariif ayaa kulankii James Swan kala hadlay arrimaha doorashooyinka, siyaasadda iyo faragelinta Itoobiya waana waxa keenay walaaca masuuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Madaxda dowladda ayaa dareensan in hogaamiyaha madasha Xisbiyada uu gudbiyay dacwad ka dhan ciidamada Itoobiya iyo hab dhaqan kale oo siyaasadeed oo dalka ka jira, kaas oo sababi kara guul darrooyin amni iyo mid daganaansho siyaasadeed ah sida ay sheegeen siyaasiin badan.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu kulamad inta badan kaga digay isku dayada Villa Somalia ku dooneyso in madaxweyne Farmaajo waqtiga loogu kordhiyo.

Sheekh Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ay Villa Somalia rumeysan tahay inuu loolanka ugu adag uga iman doono doorashada soo socota.