Vladimir Putin oo si weyn uga carooday go’aankii Erdoğan- Muxuu sameyn doonaa?

Moscow (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa isbaddalay mowqifkii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu ku diiddanaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ugu biiraan isbahaysiga NATO, balse go’aankaas waxa uu u muuqdaa mid ka careysiiyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Labadan waddan ee ka tirsan Yurub ayaa cabsi dhanka amnigooda ah dareemay kaddib markii uu Ruushka weeraray Ukraine.

Sweden iyo Finland labaduba waxa ay baddaleen siyaasaddoodii ku aaddanayd in aysan dhinac la safanin, iyagoo hadda go’aansaday inay qayb ka noqdaan isbahaysiga militeri ee NATO.

Waxa ay noqon doonaa dalalka 31-aad iyo 32-aad ee xubnaha ka noqonaya gaashaanbuurta reer galbeedka.

Muxuu Erdogan u baddalay mowqifkiisa?

Waxaa lagu soo warramay in Turkiga uu uga hor istaagay Sweden iyo Finland ku biiritaanka NATO si uu Mareykanka uga helo dano uu ka leeyahay.

Washington ayaa uga careysan Turkiga arrimo dhowr ah, gaar ahaan ku lug lahaanshaha xaaladda Suuriya, u dhawaanshaha Ruushka, sida uu ula dhaqmo Kurdiyinta iyo arrimo ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Maalintii Talaadada, maamulka madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in Turkiga uu diiday in uu aqbalo sidii wax looga baddali lahaa dhammaan arrimahaas.

Bulent Aliriza, oo ah agaasimaha Xarunta cilmi baarista caalamiga ah ee Think Tank, oo fadhigoodu yahay Washington, ayaa wargayska Los Angeles Times ku yiri: “Erdogan waxa uu doonayaa in uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Biden”.

Taas ayaa sabab u ah in uu oggolaaday rabitaanka Sweden iyo Finland, sida uu qabo khabiirkan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

Mar uu Trump sanadkii 2019-kii erdogan kusoo dhaweeyay Aqalka Cad ayuu sheegay in uu taageero u yahay madaxweynaha Turkiga.

Balse Biden ayaa tan iyo markii uu madaxweynaha noqday dhowr jeer khadka telefoonka kula hadlay Erdogan.

Dhanka kale, madaxweyne Erdogan ayaa saaxiib la ahaan jiray Putin, balse taas waxay u muuqataa in uu saameyn ku yeelan karo isbaddalka cusub.

Dalalka bartamaha iyo bariga Yurub, sida Romania, Bulgaria, Slovakia, Slovenia, Latvia, Estonia iyo Lithuania ayaa horay cadow uga dhigtay Ruushka kaddib markii ay ku biireen NATO sanadkii 2004-tii.

Turkiga ayaa NATO ku biiray sanadkii 1952-kii, isagoo dareemayay in uu xubin muhiim ah ka noqon doono waddamada reer galbeedka. Laakiin ilaa hadda Ankara waxay kasoo horjeeddaa siyaasadaha NATO.

Muxuu samayn doonaa Putin?

Putin ayaa aaminsan in haddii ay Ukraine ku biirto NATO uu Mareykanku xoojinayo awooddiisa militeri ee gobolka, taasna ay khalkhal galinayso amniga Ruushka.

Wali go’aan rasmi ah lagama gaarin goorta ay Ukraine ka mid noqonayso NATO, laakiin waxaa si rasmi ah hannaanka xubinnimadooda u guda galaya Sweden iyo Finland.

Intii uu socday wadahadalka ku aaddan mowduucan oo markii hore uu Turkiga kasoo horjeestay, Putin wax war ah kama uusan soo saarin.

Laakiin maalin kaddib markii uu mowqifka dowladda Erdogan isbaddalay, Putin ayaa soo saaray digniin aaw u culus.

Vladimir Putin, ayaa isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ku eedeeyay in uu ku jiro hammi boqortooyonimo, xilli gaashaanbuurta reer Galbeedka ay ballan qaadeen in ay taageero buuxda siin doonaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay waddanka Turkmenistan ayuu sheegay in Ruushka uu jawaab ka bixin doono tallaabo kasta oo ay waddamada Sweden iyo Finland ku hormarinayaan awooddooda militeri.

Hadalka Putin ayaa loo fasiran karaa in uu Ruushku tallaabo militeri ka qaadi doono dalalkaas marka ay awooddooda kordhiyaan.

Waxaase xusid mudan in ficilkaas uu horseedi karo isku dhac toos ah oo dhex mara Moscow iyo Washington, maadaama NATO uu u yaallo xeer dhigaya haddii waddan xubin ka ah isbahaysiga la weeraro ay dhammaan waddamada kale ka barbar dagaallamayaan.