Gole cusub oo Puntland looga dhawaaqay oo soo saaray 9 qodob oo xasaasi ah

Garowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo Madaxda ururrada siyaasadeed ee ka jira deegaanada Puntland ayaa ku dhawaaqay kudlad loogu magac daray ‘Golaha Wadatashiga Waxgaradka Puntland’ waxayna soo saareen war-saxaafadeed oo ay uga hadlayaan xaaladda Puntland.

Golahaan oo soo saaray qoraal ka kooban 9-qodob ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo arrimaha bulshada ee Puntland ay sii cakirmeyso, waxayna xukuumadda Deni ku eedeeyeen guul darrooyin siyaasadeed oo waaweyn.

Waxay bayaankaan ku sheegeen in Puntland ay wajaheyso hubanti la’aan ka taagan doorashooyinka guud oo soo dhow, waxayna tusaale u soo qaateen hanaankii loo maamulay doorashooyinkii goleyaasha 3-da degmo iyo tii baarlamaanka federaalka.

“Goluhu wuxuu u arkaa xukuumadda hadda jirta in aysan suura geli karin hanaan doorasho oo lagu kalsoonaa karo iyo natiijo qanci karo,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankaan.

Sidoo kale golahaan ayaa xukuumada Madaxweyne Deni ku eedeeyey inay dayacday doorkeedii difaacidda iyo hormarinta gobollada Sool iyo Sanaag, iyagoo cambaareeyey caburin ay sheegeen in Somaliland ay ku heyso bulshada gobolladaas.

Golahaan ayaa walaac ka muujiyey xaalad dhaqaalo xumo iyo sicir barar ah oo ka jirta Puntland oo sababi kara in deegaanadaas laga hayaamo, sida ay hadalka u dhigeen, waxayna iclaamiyeen shir deg deg ah.

Waxay soo dhaweeyeen magacaabidda iyo kalsoonida baarlamaanka ee uu helay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay deg deg u xaliso tabashada reer Somaliland.

Hoos ka akhriso bayaanka