“Waa la dhuuntaa” – 18 sanno jir jaamacad loo diray oo qaad cunaya

Somalia waa mid ka mid ah dalalka loogu isticmaalka badan yahay qaadka, laakiin haatan isbedel weyn ayuu la yimid isagoo ku baahay gabi ahaanba dalka isla markaana xitaa saameyn ku yeeshay dhallinyaradii dalka.

Maanta oo Khamiis ah abaare 1:30pm ayaan tegay maqaaxi ku taalla degmada Hodan ee magaalada Mogadishu, yoolkeygu wuxuu ahaa inaan biyo cabitaan ah oo qaboow halkaas ka cabo maadaama xilli koleyle ah lagu jiro.

Maqaaxida oo ku taalla goob isgoys ah ayaa waxaa hareer uga yaalla dukaan yar, waxaana ka adeegayey nin aan ku qiyaasay 50 sanno jir iyo laba wiil oo uu dhalay, dukaanka hareertiisa ayaa waxaa ku yaalla hool weyn oo lagu qayilo.

Dhowr tallaabo ayaan horay ugu qaaday dhanka hoolka oo ka sameysan laamayeeri iyo falkooyin si aan kursi usoo qabsado, laakiin indhaheyga ayaa mar qura qabtay ku dhowaad 20 dhallinyaro ah oo aan ku qiyaasay inay celcelis ahaan 18 sanno jir yihiin kuwaasoo halkaas ku qayilayey.

Waxaan si dhaqso ah isku waydiiyey haddii ay ku dhowaad 20 dhallinyaro ah halkaas ku qayilayaan imisa nin oo ka weyn ayaa ku jirta, laakiin haddii aan xaqiiqda ka hadlo indhaheygu waxay qabteen keliya seddax nin oo cirooleyaal ah.

Wiilkii cabitaanka ii keenay ayaan waxaan si hoose u waydiiyey ‘Saaxiib, maqaayaddaan dhallinyarada oo keliya miyaa ku qashiya?’ – Wuxuuna iigu jawaabay ‘Maya, nin kasta waa ay u furan tahay, laakiin waa ay kusoo dhuuntaan’.

Xaqiiqda ayaa ah inaan qaar ka mid ah dhallinyaradaan aqoon muuqaal ahaaneed u lahaa isla markaana ay dhigtaan qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Mogadishu. Marka haddii ay jaamiciyiintii dalka usoo bixi lahaa qaad cunayaan dalka yaa u maqan? Fikirkaaga hoos inoogu reeb.