Waa ayo MUUSE GEELLE, guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ee Soomaaliya oo maanta qabtay doorasho ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) oo kasoo jeeda gobolka Bari, beesha Cali Saleebaan, kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamad Xasan Cirro.

Khilaaf ayaa beryahan ka dhex taagnaa guddiga markii xilka laga qaaday Cirro, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha guddigaasna ay ka soo horjeesteen xil ka qaadistaas.

Labo xubnood oo kamid ah guddiga ayaa isu sharaxay qabashada xilka guddoomiyaha, waxaana la sheegay inuu jiray loollan adag oo ka imaanayay dhinacyada siyaasadda, oo ay ugu xusul duubayaan sida ay u soo saari lahaayeen musharraxa ay taageerayaan.

Faroole ayaa helay 14 cod halka Cabdicasiis Cabdiraxiin Aadan oo la tartamayayna uu helay 11 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga qabanqaabada.

Waa kuma Muuse Geelle Yuusuf (Faroole)?

Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) ayaa xilal dhowr ah hore u soo qabtay, isagoo xilalka intooda ka badan ka soo qabtay maamul-goboleedka Puntland.

  • Dhowaan wuxuu ahaa guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee Guddiga Girgelinta Doorashooyinka Qaranka.
  • Sanadkii 2006 waxaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Bari, Puntland, xilkaas oo uu sanado hayay.
  • Wuxuu sidoo kale soo noqday duqa magaalada Boosaaso.
  • Sanadkii 2013 wuxuu ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.
  • Wuxuu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha Puntland

Bishii July ee sanadkii hore ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho xilka guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dederaal loogu doortay Maxamed Xasan Cirro.

Cirro ayaa markaas ku soo baxay wareegga labaad ee doorashada halkaas oo uu ka helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Guddigan ayaa hoggaamin doona doorashada la filayo iney dhowaan ka dhacdo Soomaaliya.

Magacaabidda guddoomiyaha cusub ee guddigan ayaa ku soo aadeysa iyadoo is qabqabs iyo muran uu ka taagan yahay habraaca doorashada.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa lasoo gabogabeeyay mar dhow halka Golaha Shacabkana ay wali socoto, inkastoo ay jireen dhaliillo iyo cabashooyin hareeyay hannaanka uu kormeerka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Habraaca hadda jira ayaa u muuqda mid maamul kasta uu u fasirtay sidii uu doonayay, islamarkaasna waafajiyay natiijadii uu doonayay in ay doorashada kasoo baxdo, waxaana tusaale weyn ah habka xulista ergada iyo xaqiijinta tartan daah furan oo qof kasta oo danaynaya uu musharax noqon karo, taas oo aanan meelo badan ka dhaqangalin.

Caqabadaha ay tahay in xalka loo helo ee dhinaca habraaca waxaa ka mid ah soo xulista ergooyinka iyo musharraxiinta kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada ayaa marar badan lagu cambaareeyay in ay hareer mareen habraaca loo dejiyay.

Isha: BBC Somali