Rooble iyo Saciid Deni oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay isbaheysigii Farmaajo, Mucaaradka iyo Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada guddoonka guddiga doorashada heer Federal oo ka kooban 25 xubnood, kuwaas oo guddoomiye cusub u doortay Muuse Geelle Yuusuf  kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Ciirro.

Doorashada dhacday maanta ayaa kaliya ku koobneyd xilka guddoomiyaha maadaama aan xilkii laga qaadin ama uusan is-casilin guddoomiye ku xigeenka guddigaas Mowliid.

Doorashada maanta ayaa waxaa kasoo ifbaxay xulafooyin siyaasadeed lama oo lama filaan ah, ayada oo ay isku dhinac noqdeen kooxo aan la fileyn, halka kuwa saaxiibo dhow ahaana ay ku kala tageen.

Hoggaanka guddigan oo ah mid muhiim u ah doorashada Soomaaliya ayaa ku loolamay laba musharax oo taageeri ka kala helayey dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Doorashadan ayaa waxaa markii ugu horreysay ay isku xulufo ka dhigtay Farmaajo, qaar ka mid ah mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, halka ra’iisul wasaare Rooble iyo Saciid Deni ay dhinac noqdeen.

Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saciid Deni, halka murashax Cabdiraxiim uu taageero ka haystay madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii waxaa tartanka ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf oo ah musharixii ay wateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kadib markii uu helay codad gaaraya illaa 14 cod.

Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadan oo dadka badi ay u yaqaanaan Xiirane oo lasoo shaqeeyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, wasaaradda Gargaarka iyo hey’ado madax banaan ayaa isna helay 11 Cod, wuxuuna ahaa musharixii ay wateen Villa Somalia, madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka.

Xubnaha qaar ee gudigaan ku jira oo la hadlay Caasimada Online ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay xalay arkeen xubnaha Farmaajo iyo kuwa macaaradka oo si wadajir ah ugu ololeenaya Cabdiraxiim Xiirane.

Ma cadda sababta ay mucaaradka uga soo horjeesteen musharaxa uu watay Deni, balse waxaa la rumeysan yahay inay diidan yihiin in awoodda guddiga ay si buuxda ugu gacan gasho Deni oo ah musharax madaxweyne.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay taageerada Cabdiraxiim ay doonayeen inay ugu dhowaadaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo watay musharaxan.

Muuse Geelle Yuusuf oo madax kasoo noqday Gobolka Bari waxaa loo arkaa inuu wax badan ka tari karo musharaxnimada Saciid Deni oo kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan.

Guuldarada soo gaartay Villa Somalia iyo xulafadeeda ayaa ka dhigan in maamulka guddiga doorashada heer federaal uu la wareegay Rooble oo xoogiisa isugu geeyey sidii uu u maamuli lahaa doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii