Waa imisa deynta Somalia laga cafiyay, Imise ayaana ku hartay? – Xafiiska Kheyre oo xaqiiqda shaacaiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalkdeenna.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre ayaa sidoo kale lagu sheegay deynta sida rasmiga ah illaa hadda looga cafiyey Soomaaliya iyo tan ku hartay.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.23 bilyan oo dollar. Deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan.

Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya laga cafiyey 67%  ka mid ah deyntii lagu lahaa.

Waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan, taasi oo qaadan doontaa muddo saddex sano ah.

Qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda ugu dambeyn ku qiratay xaqiiqda deyn-cafinta Soomaaliya, oo muddo sheegeysay in laga wada cafiyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalkan uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

“Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan.