Waa imisa tirada ciidanka GORGOR ee laga qeyliyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa ku ogaanay tirada ciidanka Gorgor ee ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka qeyla dhaamiyeen madaxda badan oo ka tirsan maamulada dalka iyo kuwa mucaaradka ah. 

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii Axadda magaalada Garowe ka sheegay in aysan Xamar tagi karin sababtana waxa uu ku sheegay in ay ku adag tahay in Al-Shabaab iska ilaaliyaan iyo in ay iska ilaaliyaan Gor Gor.

Sidoo kale tirada ciidanka Gorgor ayuu sheegay in ay badan yihiin balse waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada isagoo sabab uga dhigay in uusan cabsi gelineen dadka shacabka ah. 

Caasimada Online oo la hadashay madax ka tirsan Gorgor iyo taliska wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankaan ay u dhaxeeyaan kun iyo shan boqol ilaa laba kun oo Askari. Sidoo kale saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidankaan ay ka mid yihiin ciidamada ugu qalabka iyo tayada wanaagsan. 

Waxay heestaan hubka culus iyo mid fudud oo casri ah, gaadiidka gaashaaman oo qaarkood rasaasta karin iyo tababar casri ah waxaana soo tababartay islamarkaana qalabaysay dowladda Turkiga. 

Ciidanka Gorgor ayaa ilaa hada geestay saddex weerar oo kii ugu dambeeyay ka dhacay 19-kii bishaan magaalada Muqdisho, weerarkaas oo lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.