Waa kuma taliyaha cusub ee sirdoonka Ethiopia ee sida aadka uga hadla Soomaaliya?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ambassador Ridwan Xuseen oo hore u ahaa la taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.

Danjire Ridwaan ayaa noqday madaxa hay’adda sirdoonka dalka, isagoo bedelaya Temeseng Tiruneh oo loo magacaabay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Danjire Ridwan uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.

Waa kuma Ridwan?

Ridwaan Xuseen waxaa uu dashay 22 Sebtembar 1971, waxa uuna ka soo jeeda Koonfurta Itoobiya halkaas oo ay dagaan qowmiyadda Silte ee isagu ka dhashay.

Ridwan waxa uu shahaadada heerka koobada ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa sanadkii 1995 tii, isaga oo bartay cilmiga Biology- ka.

Shahaadada heerka labaad ayuu ka qaatay Jaamacadda Pacific University 2006, isaga oo bartay hogaaminta ururada.

Waxaa uu noqday macalin wax ka dhiga dugsiyo sare ee dalka itobiya. isaga oo macalin ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga Sare ee Jinka ee Koonfurta Omo Zone iyo Dugsiga Sare ee Awolia ee Addis Ababa.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2004 ilaa 2008 waxa uu ahaa madaxa xafiiska waxbarashada gobolka Shucuubta Koonfureed, balse wuxuu wixii intaas ka dambeeyay bilaabay in uu ka shaqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya.

Danjire Ridwaan Xuseen ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka soo shaqeeyay xilal kala duwan oo uu kasoo qabtay dowladdda Itoobiya iyo xisbiga talada haya ee Itoobiya.

Dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee Tigrayga ka dib, markii xariirka Itoobiya iyo Ereteriya dib loo soo celiyay muddo labaatan sannadood ah kadib , waxaa danjire Ridwaan in muddo ah ku sugnaa Asmara isaga oo ahaa ergayga gaarka ah ee Itoobiya iyo safiirka u fadhiya dalkaas.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday safiirka Itoobiya ee Ireland ka hor inta uusan noqon safiirka Eritrea ee dalkiisa.

Waxaa uu qabtay xilal kale oo ay ka mid yihiin wasiirkii isgaarsiinta, wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xilal kale oo dowladeed.

Waxaa uu ku matalay ddowladda Itoobiya wada hadalo kala duwan oo Itoobiya ay la gashay kooxaha kasoo horjeeda .

Wareeg labaad ee wada-xaajoodka Ciidanka Xoraynta Oromada iyo dowladda ay ku yeesheen dalka Tanzania waxaa uu ahaa masulkii matlayay dowladda Itoobiya.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Ridwan Xuseen, oo ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ahaa madaxa wada-xaajoodka ugu weyn ee dawladda federaalka Itoobiya ee heshiiskii lagu soo afjarayo dagaalka gobolka Tigray.

Heshiiska oo ay wada gareen kooxda Tigray iyo Xukuumada Adis Abab ayaa ka dhacay Koonfur Afrika iyo Kenya.

Muxuu ka yiri heshiiska Soomaliland iyo Itoobiya?

Markii Dowladda Itoobiya iyo Jamuuriyada iskeeda ugu dhawaaqaday madax banaanida ee Somaliland ay heshiiska is-afgaradka ah ku gaareen magaalada Adis Abab, Danjire Ridwaan waxaa uu ahaa shaqsigii inta badan arrinta kaga hadlayay warbaahinta.

Bartiisa X (Twitter) ayuu dhawaabn ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn ee Itoobiya ay dhawaan dhisatay wabiga Niil.

Ridwan Xuseen wuxuu bartiisa X ku qoray: “ka go’naanshaha Itoobiya ee nabadda iyo amaanka Soomaaliya waxaa lagu muujiyey dhiigga iyo dhididka wiilasheena iyo gabdhaheenna qiimaha leh. Itoobiya iyo Soomaaliya deris soohdin wadaaga kaliya ma aha, laakin waa dalal isku bah ah oo wadaaga luuqad, dhaqan iyo dad. Xiriirka isku keen haya waa mid xoog leh.

“Himiladeennu waa mid isku xiran oo aan la kala saari karin. Heshiiska is afgarad ee Somaliland aan la yeelanay waa mid iskaashi iyo bahwadaag, kaasoo Itoobiya marin u siinaya badda marka xagga ganacsiga laga hadlayo. Ma aha in aan dhul ku darsanayno ama in loo qaato madaxbanaanida dhuleed ee waddan”.

Qoraalka iyo hadalo kale oo uu la wadaagay warbaahinta dalkiisa ayaa ahaa kuwa uu ku matalayay dawladda Itoobiya.

Isha: BBC