Puntland oo qabatay saraakiil sare oo ka tirsan Daacish

Boosaaso (Caasimada Online) – Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ajaanib ah oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha kooxda ISIS ee ka dagaalanta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland.

Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya ayay sheegeen ciidamada Booliska Puntland in ay gacanta ku dhigeen, sida lagu daabacay bogga ay ku leeyihiin barta Facebook.

Sidoo kale booliska ayaa shaaciyey xilka rasmiga ah ee labadaan nin ay ururka Daacish ka hayeen.

Hawlgalka raggaan lagu soo qabtay ayay Boolisku sheegeen in uu ka dhacay degmada Uffayn ee gobolka Bari, halkaas oo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee Soomaaliya ay ka joogto Daacish.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayay sheegeen ciidamadu in ay soo qabteen xubno badan oo ajaanib ah oo ka kala tirsanaa ururada Daacish iyo Al-Shabaab.

Booliska Puntland ayaa warbixintiisa ku shaaciyey in ragga la hayo ay ka soo kala jeedaan wadamada Morocco, Suudaan, Suuriya iyo Itoobiya, kuwaas oo markii la wareystay sheegay inay Soomaaliya u yimaadeen jihaad.

Kooxda Daacish oo markii awood ahaan la eego ku badan deegaanada Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ayaa wajaheysa weerarro kaga imaanaya Al-Shabaab oo u dheer beegsiga Puntland ama DF ay kala kulmeyso.

Labada argagixiso ee Daacish iyo Shabaab heshiis kuma ahan arrimaha ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana ka dhaxeeya beegsi toos ah, taas oo Daacish u saamixi weysay inay awoodeeda ku fidiso gudaha Soomaaliya.