Waa kuma taliyaha kaliya ee xil ka qaadistiisa aadka loogu qaldamay?

Xil qaadistii jumlada ahayd ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dhawaaqay khamiistii ka sokow sharcinimadeeda iyo dariiqa loo maray waxaa markiiba la arki karaa inay lahayd astaamo degdeg ah oo aan loo meel dayin.

Inta badan saraakiisha la magacaabay waa kuwo hore xilalka u soo qabtay oo aan horumar badan lagu ogeyn, qaarkoodna ku caan baxay ku takri fal awoodeed iyo caajisnimo, laman oga sababta looga door biday kuwii xilka hayay ee shaqadooda ku filnaa.

Waxay noqotay caadi in madaxweyne kasta isbedel sameeyo oo saraakiisha oo xilka ugu yimid wada xaaqo isagoo aan eegin waxqabad, laakiin micnaha ugu weyni yahay inuu adeegsado awooddiisa xil ka qaadis iyo la imaanshaha wejiyo cusub oo uu isagu keensaday.

Mas’uulka aan dooneyno inaan qormadan ku iftiimino waa taliyihii ciidamada asluuubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac, kaasoo intii uu xilka hayay muujiyay karti iyo shaqo la wada arkay isla markaana isbedel ku sameeyay xaaladda xabsiga dhexe ee sanad waliba Daacuun-calooleedka ka dillaaci jiray.

Gen. Bashiir wuxuu mudnaa in lagu dalacsiiyo shaqadiisa, wuxuuna umadda tusay in xil lagu aamini karo, sidaasoo ay tahayna waxaa loogu abaal guday xil ka qaadis aan loo meel dayin oo xitaa loo quuri waayay in lagu wargeliyo.

Madaxweyne Farmaajo ma moogeyn horumarka ciidamada Asluubta iyo xabsiga Dhexe uu ka sameeyay Gen. Bashiir Goobe, waxayna ka mid ahayd meelihii ugu horeeyay ee uu booqday, laakiin waxaad moodaa in Madaxtooyada Soomaaliya uu yaallo sixir qofkii kursigeeda kufariista ka dhigaya mid u shaqeeya si ka horjeed danaha dalka iyo dadka.

Mas’uulka cusub ee xilkan loo magcaabay waa shaqsi isla xilkan hore u soo qabtay oo xilligii uu joogay xabssigu ahaa meel maxaabiista la isaga kala gudbiyo, waxayna u muuqataa in qof waliba oo dalkan soo jilaafeeyay la abaal marinayo, kii daacada ahaana la ciqaabayo.

Gen. Bashiir Goobe wuxuu u muuqda mas’uul eersaday waxqabadkiisi, waxaanse leenahay umadda Soomaaliyeed ayaa kuu og wixii aad u qabatay, kuguna abaal marin doonta. Waa la gaari doonaan dal waxqabadka la isku qiimeeyo oo wadaniyiinta la tixgeliyo. “Ninkii Timir beeriyo, kii Tiin Tallaalayba, Taariikhdu way qori.”

W/Q: Xasan Macallin (Gobjooge.com)