WAA MAXAY CINIINNIMADU RAGGA?

WAA MAXAY CINIINNIMADU?

Guurku si uu aragga dabool ugu noqdo ibtana gaashaan, waa in labada isqaba mid waliba rabitaankiisa kan kale kaga haqabbeelaa, isna ka haqabtiraa. Haddiise midkood howshiisii gudan waayo (taasi oo ku imaan karta aqoon-darri ama awood-darri (Ciniinnimo) amaba iimaan-darri), qoysku waxa uu markaasi qarka u saaran yahay inuu burburo.

Ciniinnimadu waxa weeye kolka uu ninku galmada u gudan waayo ciniinnimo uu ku dhashay ama cillado la soo gudboonaaday aawadood, waxanay leedahay saddex weji oo kala ah:

–    Wejiga koowaad:  Ninka oo geedkiisu nabadqabo oo uu kacayo, galmana ka qaybgeli karayo, ha yeeshee aan xawo lahayn oo si kastoo uu gacaladiisa ugu galmoodo ay gebagebadu halkii raaxo laga dhowrayey rafaad uun sii noqonayso, waana sida ruux gaari afarta marsho u dhammaystiray, ha yeeshee aan garanayn si loo joojiyo oo kolkuu fariinka qabo is yiraahdaba sii sheellareeya.

–    Wejiga labaad:  Ninka oo xawo leh, ha yeeshee geedkiisu aanu galmo ka qaybgeli karin. Taa haddaynu sii faahfaahinno, waxa weeye in aanu kacayn marnaba, ama uu damayo intaanay galmadu billaaban amaba inta lagu guda jiro sidaasina aanu ku dhammaystiri karin, amaba intuu degdeg xawada iskaga tuuro, dabeeto raaracsamo, taasi oo haweeneyda ku ridda qalbijab iyo xanuun, mar haddaanay biyihii kusoo joogsaday iska saari karin, maadaama uu ninkii hawsha la waday horteed ka faraxashay oo geedkiisii hurdo bidil la yiri. Kolkay arrintu noqoto mid joogta ahna waxay haweeneyda ku dhalisaa rabitaan la’aan iyo inaanay murugo iyo xanuun mooyee galmada ka qaadin macaantii ay ka sugaysay, sidaasina ay iyada lafteedu ku noqoto Ciniin halkay isaga ka ciniin-bixin lahayd.

–    Wejiga saddexaad: Isagii oon xawana lahayn, galmana ka qaybgeli karayn, waana wejiyada ciniinnimada kan ugu daran Eebbe ha’inaga hayee.

     Abwaan Soomaaliyeed oo Ciniinnimo ka gabyayaa wuxuu yiri:

Wax kalaa lagaa caawiyaa                         cidi ku siisaaye

Cimrigaa ba’ waa qoorohoo                 caajis kaa galo’e

W/D: Sabriye Macallin Muuse.