Ahlu Sunna: Wasiiradii DFS ay noo soo dirtay waxay galeen dambi, waana…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu Sunna ayaa eedeen culus u jeediyay wafdi wasiiro iyo xildhibaanno ah oo shaley gaaray magaalada Duusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Axmed Cabdulaahi Maxamed (Axmed Ilka Case) oo shir jaraa’id ku qabtay galabta Dhuusamarreeb ayaa sheegay in wafdiga dowladda ay u soo dirtay Galgaduud ay dambi iyo meel ka dhac ku sameeyeen sharraftii Ahlu Sunna.

Wuxuu sheegay dhammaan wasiirada in ay ku mideesanaayeen siddii loo dhibaateen lahaa Ahlu Sunna iyo magacooda.

Wuxuu kaloo Axmed Ilkacase sheegay in aaney wax heshiis ah gaarin, maadama wasiirada ay soo jeedijyeen in la baabi’iyo magaca Ahlu Sunna, maleeshiyad u dagaallamaan ay laga dhigo ciidamo qaran.

Wuxuu sheegay wafdiga in ay iska indho tireen Ahlu Sunna in ay tahay maamul jirra oo la mid ah Puntland, Somaliland iyo Jubbaland.

Si kastaba, wafdiga dowladda ee loo diray Dhuusamarreeb oo uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha gudaha ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga ka mid ahaa wasiiradda, ammaanka, gaashandhigga, warfaafinta iyo wasiir ku xi-geenka arrimaha dibedda iyo saraakiil ciidan.

Sidoo kale waxaa magaalada Dhuusamarreeb ku sugnaa wafdi ka socda AMISOM, IGAD iyo dowladda fedaraalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com