Waa maxay sababta Trump uu ugu mahad celiyay Iran?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fariin mahad celin ah u diray dowladda Iran kadib markii ay is weydaarsadeen laba maxbuus oo siyaabo kala duwan labada wadan ugu kala xirnaa.

Dowladda Islaamiga ah ee Iran waxey sii deysay askari ka tirsan ciidamada badda Mareykanka, halka Mareykanka ay xabsiga kasii daayeen seynisyahan reer Iran ah oo loo heystay kiis gaar ah.

Arrintani waxey cadeyneysaa iney labada wadan ee khilaafka ba’an uu ka dhaxeeyay sanadahii dambe ay meel mariyeen heshiiskooda ku aadan is weydaarsiga maxaabiista.

Sirous Asgari oo ahaa seynisyahan reer Iran ah, islamarkaana ku eedeysnaa inuu qalab ka xaday jaamacad ku taalla wadanka Mareykanka ayaa lasii daayay. Sidoo kalana waxey Iran sii deysay Michael White oo ay sanadkii 2018 ka qabteen magaalada Mashhad inkastoo aan la shaacin sababta loox xiray.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa soo dhaweeyay sii deynta seynisyahanka halka Trump uu barta twitter-ka kusoo qoray qoraal uu arinta ku xaqiijinayo.

“Waxaan taleefoonka kula xiriiray laheystahii hore mareykanka Michael White kaas oo hadda ku sugan Zurich kadib markii ay sii deysay Iran, wuxuu diyaarad ku imaan doonaa U.S wakhti dhaw, gurigiisa ayuuna kusoo laaban doonaa,” ayuu Trump soo qoray.