Waa sidee xaaladda amni ee magaalada Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh iyo Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Faysal Caraale ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaalada amni ee caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo saraakiisha amniga Degmada ayaa waxaa lagu sheegay in amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho uu aad u fiican yahay.

Guddoomiye Yabooh ayaa intii ay kormeerka socdah waxa uu mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo ganacsatada, isagoona la shaah-cabay odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo qmniga caasimadda, isaga oo bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida amniga, iyagoo la shaqeynaya maamulka degmada iyo laamaha amaanka si loogu hortago dhagaraha kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Fargax oo halkaasi kula hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in amniga degmada iyo guud ahaan caasimada hu fiican yahay, islamarkaana uu dardar ku socdo horumarka degmada.

“Xaaladda amni ee degmada aad bey u fiican tahay, waxaa noo qabsoomay kormeer aad u qiimo badan. Amniga gobolka Banaadir aad ayuu u fiicna oo waa in aan ka feejignaano cadowga,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Waxa uu intaas kusii daray “Maamulka degmada Yaaqshiid hadaa nahay diyaar ayaa u nahay in aan ka hortagno dhagarta cadowga anaga oo kaashaneyno laamaheen amniga booliska iyo nabadsugidda, aad iyo aad ayaa ugu mahad-celinayna booliska iyo nabadsugidda degmada.”