Waa sidee xaaladda dhaawacyadii laga keenay furimaha dagaalka? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa haatan soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee dhaawacyada askartii laga keenay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada oo ku jira Isbitaala Xoogga ayaa waxaa xalay booqatay Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marow Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyada oo u kuurgashay xaaladda dhaawacyada ku jira isbitaalka ee dagaallada kusoo dhaawacmay.

Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sidoo kale deeq kala duwan gaarsiisay ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee soo dhaawacmay, taas oo qayb ka ah ka war qabkooda.

Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, go’yaal Iyo bustayaal ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhammaan dhaawacyada Ciidammada soo dhaawcmay, waxaana Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada u rajeysay caafimaad buuxa inuu Aebbe weyne siiyo.

Sidoo kale wasiiradda ayaa sheegtay in tallaabadan qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo xalay socodka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha guddoomiye u ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guud u wadda garab istaag ay muujineyso ciidamada halgamaya, si ay u helaan niyad-dhis iyo taageero wax ku ool ah.

Soomaaliya ayaa waxaa kasii soconaya dagaallada ka dhanka ah argagixisada oo sii xoogeystay todobaadyadii lasoo dhaafay, kadib markii ay soo laba kacleeyeen kooxaha Khawaarijta oo isku dayay inay dib u qabsadaan deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe.