Waa tee hay’adda ugu kabashada iyo horumarka ballaaran ee hay’adaha DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliyeed ay tahay tan ugu kabashada iyo horumarka ballaaran ee hay’addaha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shalay ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka dhaqan-gelinta ayaa arrintaan ka sheegay, isaga oo ku amaanay howl-wadeenada hay’adda dadaalka ay galiyeen.

“Hay’addan duulista hawada Soomaaliyeed ahmiyadda ay Qaranka ugu fadhido wan ognahay gaar ahaan dhaqaalaha, waxay si xoog leh uga qeyb qaadata dhaqaalaha oo meel weyna kaga taalla Qarankan, aan runtiina uga mahad-celinayno dadaalka ay galeen iyo wax soo saarkooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in maanta aan gaarno heer aan diyaar u nahay in aan tartano, “hay’addaan inay tartano oo asaageed la tartanto waa guul.”

Mudane Xamza ayaa waxa kale xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay hay’adda duulista rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, islamarkaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka.

“Waa guul weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay heerka ay maanta soo gaartay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay sanadihii dambe sameynaysay horumaro kala duwan, ayada horraantii sanadkaan ay hawada Soomaaliya heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka.