Waa yaabee xagee ayey xukumaan madaxda maamul goboleedyada?

Inta aanan u Guda gelin Qoraalkeyga ku saabsan Xaaladda Siyaasada  ee Soomaaliya Xilgaan waxaan marka hore  waxaan Tacsi u dirayaa Dhamaan Dadkii Dhibaatada ka soo gaartey Qaraxii  Zoobe waxaan ilaah uga baryey kuwii ku dhintey in Ilaah u Naxariisto, kuwa ku Dhaawacmey iyana Ilaah ha Caafiyo, waxaa Xaqiiqo  ah in Qaraxaasi uu Ummada Soomaaliyeed uu Mideeyey waxaana ka garan kartaa sida  ay isugu Gumadeen  uguna Banaanbaxeen Dhibaatadaas intaa ka dib.

Waxaa maalmahaan waxaa Hadalko aan u daneyneyn ummada Soomaaliyeed ka soo yeerayey  Madaxda Maamlulada balse hadda  Bulshada Soomaaliyeed u yaqaanaan Hogaamiye Kooxeedyada  Maamulada kuwaa oo la dhihi kari  waa kuwa  la doonayo in lagu Burburiyo  Dowladnimada  Soomaaliya  .

Markaan Dib u akhriyey  Qoraalkii  21 Bishaan   ay soo saareen Hogaamiyayaashaas waxay ay salka ku haysaa in aysan rabin Hogaamiyayaashaas Dawladnimo ka hana qaada Guud ahaan Dalka Soomaaliya Sidoo kale Qoraalkaas waa  mid  abuuri kara in dalkaan dib loogu celiyo Dagaaladii Sokeeye ee laga soo Gudbey  ee aan ka dhaxalney Dowlad la’aan iyo Burburka

Qoraalkaas ay soo saareen Hogaamiyaasha Maamulada waa mid ku soo beegmey Xilli ummada Soomaaliyeed ay la  Xanuunsanayaan Diiftii iyo Darxumadii laga dhaxley  Qaraxii lagu Hoobtey ee  ka dhacay  isgoyska Soobe  marka waa Qoraalka aan ka Tarjumeyn Maslaxda Ummada Soomaaliyeed waana mid laga dhandhansan karo  danahooda gaarka ah

Waxa yiraahdeen Hogaamiyayaashaas Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay Xukuntaa Magaalada Muqdisho waa yaabee iyaga Xagey Xukumaan oo uu Maamulkooda uu gaarsiisan yahay, markii ay Dhawaan isugu tageen Magaalada Kismaayo Shariif Xasan waxaa uu yiri “ Cabdi Cali Gaas adiga Dhulkaa martaa anagana Diyaarad baan ku tagnaa Deegaanadeena” marka arrintaan waxay kuu Cadeyneysaa in  MaamulkoOda uu yahay mid Kooban oo ku eg Magaalooyinka ay hada Joogaan

Cabdi weli Cali Gaas maamulka aad maanta Hor Boodeysaa waa Beer lagu Faley  oo laguu diyaariey marka  Maanta in ay Hadaladaas  kaa soo yeeraan lagaama Fileyn , waxaana  tahay Qof wax ka yaqaana Dowladnimada Soomaaliya marka waxaan ku leeyahay noqo mid ka shaqeeya Maslaxada Ummadda Soomaaliyeed

Ugu Dambeyntii Waxaan leeyahaya Ummadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogto Qabiil meel waav na gaarsiin waayey oo aan ka dhaxalney Bubur Dib u dhac, waxaa Keliya ee Maanta na deeqa waa Dowladnimo oo aan ku gaari karnaa Horumar iyo Midnimo

W/Q Cali Axmed Cabdulle

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid