Xog dheeraad ah oo laga helaayo dagaalka qaraar ee Galmudug iyo Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug kaa oo ka dhacay degaanno ka mid ah gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay degaanada Gacma Falle iyo Godad oo dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay laba ruux oo kala taabacsanaa labada dhinac, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhinac u badnaa, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Dagaalka ayaa markiisa hore ka dhashay khilaaf dhuleed, kaa oo ku yaalla halka uu ka dhacay dagaalka culus ee khasaaraha geystay.

Waxaa hadda qaboobay dagaalka, waxaana xusid mudan inaanu jirin cid ilaa iyo hadda ku baxday dagaalka oo weli u muuqda mid qabyo u ah labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com