Wada-hadalkii la filayey inay yeeshaan Ethiopia iyo TPLF oo dib u dhacay + Sababta

Addis Ababa (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin kala duwan ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid wada-hadalladii qorshaysnaa inay toddobaadkan dhammaadkiisa yeeshaan dawladda federaalka Ethiopia iyo kooxda TPLF, ee uu garwadeenka ka ahaa ururka Midawga Afrika.

Guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mohamat ayaa ku casumay hoggaamiyayaasha labada dhinac inay yimaadaan dalka Koonfur Afrika, halkaas oo la filayey inuu ka dhaco wadaxaajoodka labada dhinac, sida lagu sheegay warqad qarsoodi ah oo ay warbaahintu heshay.

Wadaxaajoodka labada dhinac ayaa la qorsheeyey inuu dhexdhexaadiyo ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika Olusegun Obasanjo oo ay wehelinayaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Dawladda Ethiopia ayaa Arbacadii sheegtay inay aqbashay martiqaadka, sidoo kale Kooxda Tigray ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb galaan dhexdhexaadinta, laakiin ay raadinayan inay xog badan ka helaan qabanqaabada shirka, dhinaca ammaanka iyo weliba doorka dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ah.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa si kastaba iminka sheegay in arrimaha keenay in wada-hadallada dib loo riixo inay ka mid tahay, hawlaha qabanqaabada iyo weliba arrimo la xiriira hannaanka dhex-dhexaadinta. 

Saraakiisha Tigrayga iyo ilo-wareedyo kale oo diblomaasiyadeed ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in wada hadaladu ay dib u dhaceen, sababo ku aaddan dhanka farsamada ee qabsoomidda wada-hadaladaasi.

Ilo-wareedyada diblomaasiyadeed oo codsaday inaanan la magacaabin ayaa sheegay in aan weli la cayimin waqtiga cusub ee wada hadaladaasi qabsoomi doonaan.

Dagaalka hadda socda ayaa dib u billowday 24-kii August wuxuuna meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.