Wadahadalladii ONLF iyo Itoobiya ee Nairobi oo hakad galay

Nairobi (Caasimada Online) – Wadahadaladii Magaalada Nairobi ugu socday xubno ka kala socda Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa hakad ku yimid, waxaana sabab looga dhigay Qalalaasaha ka taagan dalkaasi.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Shiikh Xasan Hirmooge ayaa sheegay in guddiga wadahadalka wada ay labada dhinac u jeediyeen sidii loo hakin lahaa, illaa inta ay wax iska badalayaan Xiisadaha kasoo cusboonaaday Itoobiya.

Dhinacyada wadahadalka u furay ayaa laga dalbaday in aysan ku dhaqaaqin waxyaabo dhaawici kara wadahadalka hordhaca ah ee bilawday, dibna la isugu soo laaban doono kolka ay wax iska badalaan Xaaladda Itoobiya.

Afhayeen Hirmooge ayaa xusay in labada dhinac ay isla qaateen Mas’uuliyadda ka saaran daminta Xiisadaha ka taagan Itoobiya, wadahadalkoodana ay ka daran tahay Marxaladda Siyaasadeed ee dalka uu wajahayo.

Wararka ayaa sheegaya in hakinta wadahadalka uu ka yimid dhanka Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, maadaama ay ka baqayaan in rabshada ku kooban Qoomiyadaha Oromada iyo Amraaxadda uu soo gaaro dhulka Ismaamulka Soomaalida uu maamulo.

Wadahadalada u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa ka furmay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay ku dhameeyaan Colaad sanado soo jiitameysay oo ka dhaxeysay.

Inkastoo wadahadalka uu furmay, socdayna mudooyinkaan, hadana ma jiro qodobo la taaban karo oo ay labada dhinac ku heshiiyeen kahor hakinta wadahadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com