Waddada 14-ka October (Zoobe) oo muddo siddeed cisho ah kadib saaka dib loo furay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo Siddeed cisho kadib Saaka dib loo furay wadada Zoobe oo 14-kii Bishan uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay TM.

Ciidamada amaanka oo Seddeedaas maalin ay u go’neyd wadada ayaa Saaka arroortii dib u howlgaliyay wadada oo halboole u aheyd isticmaalka gaadiidka iyo isku socodka dadweynaha u kala goosha magaalada Muqdisho.

Madaxda dowlada, Ciidamada iyo dadka shacabka ah ayaa tan iyo maalintii uu qaraxa dhacay ilaa shalay waday hawlo kala duwan oo ku aadan gurmadka dadkii masiibada ay qabsatay iyo dayactirka wadada laamiga ah ee qaraxa uu saameeyay oo lasoo afmeeray.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo kan maamulka Gobolka Banaadir oo dadaal badan ku bixiyey dib u dayactirka wadada ayaa ugu danbeyntii ku guulaystay muddo isbuuc ah in la hagaajiyo wadadaasi.

Saakay oo sabti ah ayaa waxaa la arkayaa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada oo aad ugu qulqulaayo wadada, halka goobaha ganacsiga ee xirnaa ay saaka yihiin kuwo shaqeynaaya.

Sidoo kale, waxaa amarka furitaanka wadada bixiyay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islaaw oo maalintii shalay booqday goobta isla markaana bixiyay amar ah in dib loo furo wadada.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalinta wadada Zoobe ayaa kusoo beegmeysa xili ay dowladda Somaliya soo bandhigtay tirada guud dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe, waxaana tirada ay noqotay 642 ruux oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo dad la waayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com