Waddani oo shaaciyey inuu hayo cadeymo ka dhana komishanka doorashada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka dhawaajiyey in eedaha ay xisbi ahaan u jeediyeen Guddida Doorashooyinka Somaliland inay yihiin kuwo ay u hayaan cadeymo cad-cad, isla markaana ay waajib tahay in la kala diro Komishanka.

Waddani ayaa sanadkii hore u gudbiyey Madaxweyne Biixi warqado qoraala oo 14-bog ah, kuwaasi oo ay ugu baaqayeen in la kala diro Komishanka, waxa kale oo ku xusnaa qoraalkaasi qaladaad ay sheegen inay guddida doorashooyinka ay sameyeen doorashadii Madaxtooyada ee dhacday 2017-kii.

Xoghaye Khadar oo wareysi gaar siinayey mid kamid ah Tv-yada Somalida isagoo ku sugan London, ayaa sheegay in xisbigoogu cadeymo u hayo khaladaadkii ay gudiga doorashooyinku sameeyen, isagoo arrimaha ka hadlayana wuxuu yiri:

“Guul iyo guul darro cidi imika kama hadlayso oo doorashada waanu aqbalnay, waanu hanaynay oo way socotay, Madaxweyne Muuse Biixi-na waa madaxweynahayga iyo madaxweynaha dhammaan umadda Somaliland laakiin, waxa la isku haya waxa weeye Khaladaadkii iyo gefefkii Komishankani sameeyen”.

“Gefefka Komishankani sameeyeena gefef cadcad ayaa ka mid ahaa. Waxa la hayaa oo ‘live’ ah (Toos ah) oo duuban Guddoomiyihii Komishanka oo ilmo Yar oo da’diisu ka hooseyso xiligii Codaynta isagu u fududaynaya sidii uu u codayn lahaa”.

“Marka anagu taanu ka hadlayna taa weeye, waxaanu ka hadlayna waar doorashadeenii wax baa inaga khaldamay ee darsi maxay ah baynu ka baran karna? Sidee baynu doorashooyinkeena u hagaajin karna? Sidee baynu u qaban karna doorashooyin daahfuran doorashooyinka soo socda? Marka wixii tagay kama hadlayno ee mustaqbalka ayaanu ka hadlayna”.

Wuxuuna intaas kusii daray Xoghayuhu “Taariikhda Somaliland maaha markii u horaysay ee xisbi mucaarad ahi ka cawdo Komishan ee uu yidhaahdo ‘uma aragno in Komishankaasi shaqada gudan karaan’ 2009-kii ayay dhacday laakiinse waxa joogay madaxweyne ogol in uu dadkiisa u tanaasulo, waxa joogay madaxweyne ogol in doorashooyinku dhacaan oo hore loo socdo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin”.

“Saddexdii xisbi waxay isla go’aansadeen in Komishankii la kala diro waliba Komishankaasi wax doorasho ah may qaban, marka waaba mandaqa caadiga ah aniga iyo adiga haddii qof inoo garqaadayo oo aad tidhaa qofka kuma kalsooni in aan anigu idhaahdo isaga uun baan wadanaya waxaan isleeyahay inay jaban tahay”.

Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay qoraal xisbiga Waddani ka gudbiyey Komishanka Doorashooyinka 13-bilood ka hor, kaasi oo ka dhawaajiyey in Madaxweyne Biixi qareen u noqday guddida doorashooyinka isaga oo aan jawaab ama aragtidiisa ku soo celin xisbiga.

“Waxaanu u aragna in aanay masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka cid la wadaagta jirin madaxweynaha, masuuliyaddana madaxweynuhu leeyahay runtiina ceeb ay Qaranka ku tahay in ay doorashooyinku dib u dhacaan” ayuu yiri Xoghaye Khadar.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com