Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkaayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay Isticmaalaan waddooyinkaasi.

Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Ujeedada ka dambeysa in waddooyinka Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in maanta ay caasimasa soo gaari doonaan wafdi heer caalami ah.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka waddooyinka ayaa saaka kusoo baraarugay marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Wafdiga kusoo foolka leh magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaamin doono xoghayaha Qaramada Midoobey Antonio Guterrs, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Guterrs marka uu soo yimaado magaalada Muqdisho uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladaha bani’aadanimo ee dalka iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka oo ku aadan booqashada wafdigan caalamiga ah ee maanta ku soo wajahan caasimada dalka ee Muqdisho.

Si kastaba, waa markii labaad oo uu Muqdisho booqasho ku imaanayo xoghayaha guud ee QM, waxayna aheyd markii u dambeysay 2017.