Maxaa sahlaya in Muqdisho mar walba hoobiyayaal lagu garaaco, maxaase xal u ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa kusoo noq-noqday hoobiyayaal laga soo tuuro qeybo magaalada kamid ah, kuwaasi oo lagu tuuro xarumo dowladeed iyo goobo dad shacab ah degan yihiin.

Xalay ayaa ugu dambeysay tiro hoobiyayaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen guriga mid kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halkaas oo khasaare ka dhalatay.

Falalka noocaan ah ayaa dhowr jeer dhacay saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay. Dowladda ma sheegin halka laga soo tuuray, mana jiraan dad loo qabtay duqeymahan.

Dadka badi waxay isweydiinayaan maxaa sahlaaya in gudaha caasimadda hoobiyayaal laga soo tuuro, maxaase xal u noqon kara dhibaatada.

Maxaa sahlaya dhibaatadaan?

Dadka badi waxay uga jawaabayaan hubka faraha badan ee magaalada Muqdisho ku firidhsan ee ku jira gacmaha aan aaminka aheyn ee ka baxsan dowladda.

Ciidanka dowaldda waxay ku mashquulsan yihiin Al-Shabaab hub kala imaanaya banaanka magaalada, laakiin waxaa jira kooxo hubka ka ganacsada oo magacyo badan leh oo Muqdisho jooga, kuwaasi oo ay sahlan tahay in Shabaab-ka hubka ugu geeyaan halka ay rabaan inay ku isticmaalan ama ka tuuraan.

Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka hadlay ka ganacsiga hubka iyo dhibaatada uu ku hayo magaalada Muqdisho.

Qoddobka ah maxaa u xal ah?

Dowladda waxay maalmahan waday xakameynta hubka caasimadda, shalay waxaa la faafiyay xeerka xakameynta hubka. Jimcihii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in la mamnuucay ka ganacsiga hubka iyo guud ahaan qalabka ciidanka.

Mid kamid ah xalka dhibaatadan waa in la dhaqan-geliyo go’aanka dowladda ay ku joojisay ka ganacsiga hubka. Waxaa jira dad dood ka keenay qoddobka joojinta ka ganacsiga hubka iyo guud ahaan agabka ciidamada, laakiin haddii aan mawduucaas dowladda lagu taageerin waxay dadka badi qabaan in dhibaatadan sii socon doonto.

Mida kale ee xalka qeybta ka ah waa isla-xisaabtan amni, hoobiyeyaasha waxaa laga soo tuura qaar kamida ah degmooyinka gobolka Banaadir, mararka qaar maalin cad ayaa la tuura.

Degmo kasta waxaa jooga taliye Boolis iyo mid Nabad-sugid, haddana lama fahmo lamana ogaado degmada laga soo tuuray hoobiyaha, taasi waa wax caqliga ka fog.

Dowladda waxay ku qasban tahay inay dib u qiimeyso madaxda ciidamada ee degmooyinka, gaar ahaan kuwa daafaha magaalada ku yaalla, oo loo badinayo in hoobiyayaasha laga soo tuuro.

Haddii aan dib u hubin iyo isla-xisaabtan lagu sameyn dhalinyarada madaxda looga dhigay laamaha amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, maalin walba dad qiimo leh ayaa ku dhimanaaya falkaan.