Sawirro: Sidee Guterres loogu soo dhaweeyay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterrs iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Guterrs iyo wadiga uu horkacayo ayaa waxaa garoonka uga hortegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo dalka kusoo dhaweeyay, isla-markaana kulan hordhac ah kula yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde.

Soo dhaweynta ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska QM.

Intaas kadib xoghayaha ayaa waxaa la galbiyay dhanka madaxtooyada, halkaas oo uu kulamo gaar gaar ah kula qaadan doono madaxda sare ee dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladaha bani’aadanimo ee dalka iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale wxuu booqan doonaa qaar kamid ah xeryaha baracayaasha, isaga oo u kuur-geli doono xaaladaha adag ee ka jira iyo duurafaha ay wajahayaan qoysaska soo barakacay.

Dhanka kale, waxaa imaashaha wafdigan caalamiga ah loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee raaxada u diidayaan inay Isticmaalaan waddooyinkaasi.

Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Sidoo kale, shacaka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka waddooyinka ayaa saaka kusoo baraarugay marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Si kastaba, waa markii labaad oo uu Muqdisho booqasho ku imaanayo xoghayaha guud ee QM, waxayna aheyd markii u dambeysay 2017.