Dhageyso: GorGor oo shaacisay inta ay u jiraan Ceelbuur iyo halka ay joogaan Al-Shabaab

Galcad (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka lagu xoreynayo degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee kooxda Al-Shabaab ay ka joogto gobollada dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta Al-Shabaab ka xoreeyey degaanka Cali Afrax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay isaga carartay markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda ay ku soo wajahan yihiin.

Maxamed Macalin Abuukar Xasan (Shaarib) oo ah Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor ayaa Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in 43 KM ay hadda u jiraan degmada Ceelbuur.

Waa halka degmo ee gobollada dhexe ay ka joogaan Al-Shabaab, wuxuuna sheegay Taliyuhu in maalmaha soo socda ay gaari doonaan Ceelbuur.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa xaqiijiyey kooxda Al-Shabaab ay shalay seddax gaari uga carartay degaanka ceel-juqow kadib markii ay gudaha u galeen ciidamada dowladda.

Sababta ay uga carareen gaadiidkaas wuxuu ku sheegay Shidaal la’aan ku dhacday kooxda, maadaama ay go’doon adag gelisay dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay taliyuhu.

Sarkaalkaan hoggaaminaya ciidanka Gor Gor ee Galgaduud ka dagaalamaya wuxuu sheegay in deegaanada ay kooxdu joogto uu khilaaf adag ka jiro, kadib markii qaar ka mid ah ay go’aanadeen inay isku soo dhiibaan dowladda, qaarna diideen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada qaar ay dadkii shacabka ahaa ka daba carareen kooxda, isla markaana ay ku dadaalayaan in qof shacabka aysan dhibaato gaarin.

“Shacabkaan 15 sano ayey gumeysi ugu jireen ragaas, waa ka daba qaxeen, laakiin meel kasta waan uga dabategeynaa waana ka soo badbaadineynaa cadowga ka xeystay,” ayuu yiri Taliye Maxamed Shaarib.

“Go’doon ayey ku jiraan Al-Shabaab 70 KM oo isku weer ah ayay ka joogaan Galmudug, maalmaha soo socdana godadkooda ayaan ugu dada doonaa, dhamaan gobollada dhexe waa isku furan yihiin, jiho kastana waan ka joognaa goobaha ay ku dambeeyaan kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii sarkaalkaas ka tirsan Gor Gor wuxuu yiri, “Roobkii nagu bilowday shalay ayaa nagu da’aya, dadkii ka qaxay deegaanadaan duurka ayey ku dhibaateysan yihiin, wax ay cunaan iyo wax ay roobka ka galaan ma heystaan, waxaan ka gaareynaa waana badbaadineynaa noloshooda,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga