Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Ethiopia Tedros Adhanam ayaa gaaray magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, kadib markii diyaaradii siday ay cago dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kanoco ee duleedka magaalada Garowe.
Garoonka diyaaradaha oo ka baxsan magaalada Garowe, waxaa wafdiga wasiirka arimaha dibada kaga hor tagay madaxweynaha Puntland C/welli Maxamed Cali gaas iyo xubno maamulkiisa ka tirsan.
Wasiirka arimaha dibada ayaa hadda shir la leh madaxweynaha Puntland C/welli Gaas, waxaana la ogeyn waxay ka wada hadlayaan.
Puntland ayaa ogolaatay nidaamka 4.5 in lagu soo xulo baarlamaanka aqalka hoose, waxaase ay soo bandhigtay sharuudo badan oo dowlada Soomaaliya la sheegay iney aqbashay.
Xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka iyo wadamada Gobalka ayaa maanta laga dhawrayaa Magaalada Garowe si ay saxiixa heshiiska Puntland iyo Dawlada Federalka ah goob joog uga noqdaan.
Lama oga inta uu ku sii sugnaan doono Magaalada Garowe, waxaase ay goobjoog ka noqon doonaan isfahamka dowlada Soomaaliya iyo maamulka C/welli Gaas.
Caasimada Online
xafiiska Garowe
[email protected]

