Wafdi heer Wasiir oo ka socda DF oo u duulay Kismaayo + Ujeedka

Wafdi heer Wasiir oo ka socda Xukuumada Soomaaliya,  ayaa saakay u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi Xakiin Fiqi, ayaa kamid ah Wafdiga oo ka dagaya saacadaha soo socda magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Safarka Wasiirka gaashaandhiga waxaa ku wehliya Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiirka Cadaaladda waxaana u jeedkooda uu yahay sidii ay ugu kur gali lahaayeen xaalada Kismaayo oo isku dhac ciidamada wada jooga ee dowladda iyo Raskambooni laga soo werinayay.

Waxa ay sidoo kale halkaas ay geynayaan adeeg dhinaca bulshada Sida Idaacad FM oo ah mid afka dowlada ku hadlaysa oo dhowaan halkaasi laga hir gelinayo.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi Xakiin Fiqi, ayaa si gaar ah u kormeeri doono Xarumaha ciidamada dowlada Soomaaliya halka wasiirka cadaalada isagana uu u kur galayo nidaamka iyo garsoorka.