Pato oo ku dhow inuu macsalaameeyo K/Cagta Yurub.

Weeraryahanka ay dhaawacyadu diloodeen Alexandre Pato ayaa kusii dhowaanaya inuu 15 milyan oo dollar kaga tago kooxdiisa AC Milan, waxaana la sheegayaa inuu heshiis is-af-garad ah la gaaray kooxda ka dhisan dalkiisa Brazil ee Corinthians.

Warsidaha Gazzetta dello Sport ayaa shalay qoray inay labada koox isku afgarteen heshiiska Pato uu kaga dhaqaaqayo Milan, madaxweyne ku xigeenka kooxda Adriano Galliani ayaa Isbuucaan ku sugnaa dalka Brazil si uu heshiiska usoo dhameystiro.

Galliani ayaa xaqiijiyey inay dalabka heleen Isbuucii lasoo dhaafay laakiin ma uusan garabaabin kooxaha daneynaya saxiixa Pato, kaasoo Milan joogay ilaa 2007dii.

Rossenerri ayaa ku dhow inay sidoo kale xidigaan daba dhigto ninka ay isku wadanka yihiin ee Robinho waxaana xidigaan sidoo kale daneynaya kooxo Brazil ah.