Chelsea oo Janaayo 85 milyan oo ginni suuqa gelin doonta.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu sanadka cusub suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku qarash gareeyo 150 milyan oo ginni, si ay kooxdiisa Blues awood muuqata uga dhex yeelato Barclays Premier League, sida uu qoray wargeyska Daily Express.

Maalqabeenka Ruushka u dhashay ayaa isku diyaarinaya inuu 50 milyan oo ginni ku dalbado weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao, xilli uu sidaan oo kale 50 milyan ugu soo iibsaday Fernando Torres.

Ninka xiga waa kubad sameeyaha kooxda Shakhtar Donetsk iyo xulka Brazil Willian, kaasoo uu ku doonayo 35 milyan oo ginni, xilli ay kooxdu sidoo kale dooneyso inay dib usoo celiso weeraryahanka ku fadhiya 18 milyan ee ginni Romelu Lukaku, kaasoo haatan amaah ugu ciyaara kooxda West Brom.

Milkiile Roman ayaa u arka weeraryahanka Colombia nin ku haboon kooxda Galbeedka London xilli uu sedaxleey ka dhaliyey markii uu ku wajahay kama dambeysta koobka Super Cup Europe, horaantii xilli ciyaareedkaan.

Falcao ayaa 16 kulan oo uu La Liga ciyaaray sanadkaan dhaliyey 20 gool, waxaana lagu qiimeeyaa weeraryahanka xiligaan ugu shidan qaarada Yurub Atletico Madrid ayaana xidigaan ku faanta laakiin Chelsea ayaa dooneysa inay gacanta ku dhigto 26-jirkaan.

Willian ayaa aad u dareemaya inuu ka ciyaaro meel ka baxsan horyaalka Ukraine wuxuuna kooxda kula guuleystay afar koob oo ah, xilli uu shan sano iyo bar joogay garoonka Donbass Arena.