Rooney oo laba ama sedax Isbuuc garoomada ka maqnaanaya.

Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa garoomada dhaawac uga maqnaan doona inta u dhexeysa laba ilaa sedax Isbuuc ka dib markii uu dhaawac jilibka ah kasoo gaaray tababarka kooxda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka maqnaa Line-up-ka kulankii ay Red Devils 4-3 guusha kaga qaaday Newcastle maanta (Shalay).

Ka dib markii uu qaab ciyaareed habacsan soo bandhigay kulankii ay Axadii kooxdiisu barbaraha la dhaafi weysay Swansea, Ferguson ayaana jeclaan lahaa inuu xidigaan isticmaalo kulankii Newcastle, laakiin dhaawac darti ayaa looga soo tegay.

“Ka dib markii uu qaab ciyaareed hooseeya soo bandhigay Axadii si wanaagsan ayuu u ciyaari lahaa maanta (Shalay). Laba mar ma sameyn kartid wixii uu sameeyey Axadii,” ayuu yiri Ferguson. “Nasiib xumo qatar ma aanan gelin Karin isaga.”