Neymar oo niyad jebiyey Barca, Chelsea, Man City & Real.

Weeraryahan Neymar ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu u dhaqaaqo Qaarada Yurub laakiin wuxuu sheegay inuusan kooxdiisa Santos meelna uga socon inta bisha Janaayo uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

20-jirkaan ayaa lala xiriirinaayey kooxaha Barclays Premier League ee Manchester City iyo Chelsea iyo camaaliqada Spain ka dhisan Barcelona iyo Real Madrid.

Laakiin xidiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo kooxdiisa Santos wuxuuna sheegay inuusan weli imaan waqtigii ku haboonaa inuu ka tago.

Wuxuu u sheegay TV-ga Bandeirantes: “Waan ku farax sanahay joogitaankeyga Santos, waxaan la joogaa qoyskeyga, cunugeyga, asxaabteyda, sidaas darteed ma ahan waqtigii aan ka tegi lahaa.

“Waqtigaas wuu iman doonaa sababtoo ah riyadeydu waa inaan ka ciyaaro Yurub ilaa waqtigii aan cunuga yar ahaa, laakiin waqtigaas ayaan weli imaan.

“Maanta, nafsad ahaanteyda ma arko koox kale oo aan ka doorto Santos.”

Isbuucii lasoo dhaafay agaasimaha kubada cagta kooxda Man City Txiki Begiristain ayaa u duulay Koonfur America si uu kooxda Brazil ula falanqeeyo macquuul ahaanshiyaha uu xidigaan ugu soo dhaqaaqo Etihad Stadium.